X

Sucuudiga oo xasuuqay haween iyo caruur badan

Diyaaradaha Maraykanku wado ee Wahaabiyada Sucuudiga ayaa xasuuqay ugu yaraan 30 isugu jira haween iyo caruur dalkaasi fiqiirka ah ee Yaman ee ay burburiyeen. Xasuuqaan ayaa ka dhacay gobolka Jawf ee ay maamusho dawlada Yaman.


Xasuuqaan ayaa yimi markii ciidanka difaaca Yaman ay soo rideen diyaarad dagaal oo wahaabiyadu leedahay. Diyaarada ayaa lala eegtay hub casri ah oo ka nixiyay saaxiibada Wahaabiyada Sucuudiga ka taageera dhinaca cirka.


Sucuudiga ayaa qirtey in diyaarad laga soo ridey waxayse sida caadiga ah diideen in laga soo ridey laakiin ay kharaabtey.


Dawlada Yaman ee ay hogaamiyaha Xuutiyiinta ayaa wacad ku martey inay damiyaan dhaqaalaha Sucuudiga siiba saliida oo lacagteeda lagu adeegsadonin lagu duqeeuo Yaman.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.