Amar ka soo baxay Maxamed Salmaan ayaa xoriyad kale oo haweenka Muslimka ah hore u haysteen lagu siisay haweenka Sucuudiga oo sanad kahor loo ogolaaday inay gaari kaxayn karaan si xorana u dalban karaan laysanka gaariga lagu wado.
Maxamed Salmaan oo lagu yaqaan gacan adag ayaa sirdoonkiisu si xun u dileen saxafiga Jamaal Khashowqi.
Amarka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in haweenka gaaraya 21 jir ay si xora u dhoofi karaan una qaadan karaan baasaboor una dalban karaan.
Haddase looma ogola inay arimaha noocaasa galaan waxayna muteystaan dil ama jirdil xataa haddii ay u socoto waxbarasho ama arimo kale.
Go’aankan uu gaaray Maxamed Salmaan ayaa waxa soo dedejiyay markii haween badan gaaloobeen si loo qaabilo magangelyadooda kana goosteen waalidkooda oo arkaya.
Haweenka ayaa hadda dalban kara in ragga dila iska furaan haddii ay rabaan. Taas oo hadda aan suuragal ahayn ayagoo aan madaxa gelin karin goobaha cadaalada.
Isbedelkan waxa aad ugu farxay haween farabadan waxase jira kuwo aan ku farxin sida hooyo tiri waan soo dhaweynayaa waxaanse ka baqayaa in gabdhuhu naga dhoofaan soona noqon waayaan.
Gaalada ayaa rabta inay haweenka Muslimiinta ka dhigaan sida kuwooda laakiin haddana marka haweenaydu haysan xaquuqdii diintu siisay waxay furtey cawaaqib xumo iyo sumcad xumo ayuu yiri Xuseen Warsame.
Waxay gaaladu rabaan inay qaawiyaan haweenka, caruurta isku qori karto, guurin karto, khaniisad noqon karto laakiin taasi ma dhacayso ayuu raaciyay Xuseen Warsame hana la digtoonaado waayo dad Muslim ah oo diinle ayaa nahay.
Sawirka hoose waa dharka iyo weji-qarsiga Wahaabiyadu u ogoshahay in haweenku ku bixin karaan. Musheekhda Salafiinta ayaa hadda leh diinta ka mid aha in dhar madow kaliya lagu baxo. Weji qarsiga ayaa ka mida caadooyinka ay Somaliya ku soo faafiyeen.
Wahaabiyada ama Salafiyada ayaa ah tan Muslimiinta kala fogeysay kuna faafiya dalalka Muslimka ee fiqiirka ah iyo kuwa kalaba diinta qaldan ee Sucuudiga.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS