X

Wahaabiyada Sucuudiga oo Yaman ku dhaawacdey 50 qof oo ay ku jiraan hal qoys

Diyaaradaha Maraykanku wado ee Wahaabiyada Sucuudiga ayaa caasimada dalkaasi Yaman ku dhaawacdey 50 qof oo ay ku jiraan hal qof oo gebi ahaanba ku aasmey aqalkii ay ku jireen. Xaafada Al-Raqaas ee caasimada Sanca ayaa qoyskaas ay ku xasuuqeen.


Argagixisada Sucuudiga ayaa duqeeyay goob caafimaad oo lagu daaweeyo dadkii ku dhaawacmey weeraradii hore ee ay fuliyeen. Waxay toos u weerareen xarumaha caafimadka, waxbarashada, warshadaha, wadooyinka iyo dhaamaan ilaha dhaqaalaha.

Waxay awood u waayeen inay muquuniyaan ciidan tag daran, waxayna dalbadeen gaalada waaweyn ee Yuhuuda iyo Maraykanka inay taageeraan dagaalkooda.


Dhinaca kale ciidanka Yaman ayaa ku sii siqaya inuu kuwa taageersan Wahaabiyada ka sifeeyo gobolka Dhale.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.