War hadda ka soo baxay gudiga doorashada ee dawlada Somaliya ayaa lagu iclaamiyay sida ay u kala horeynayaan doorashada dhacaysa laba bil kadib.
Gudoomiyaha gudiga hirgelinta doorashada dadban ee Dalka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho,ayaa sheegay qaabka ay u dhacayso doorashada iyo xiliga doorashada.
Cumar Maxamed Cabdulle dhegey ayaa sheegay in Doorashada xubnaha Aqalka sare ee dalka ay dhacayso 25 September sidoo kale Doorashada Xildhibaannada waxay dhacaysaa 24 September-10 October ee Sanadkaan 2016
Ugu danbeyntii Gudoomiye Cumar dhagay ayaa ku dhawaaqay Doorashada Gudoomiyaha Barlamaanka waxuuna sheegay in ay dhici doonta 25 October , Sidoo kale waxuu halkaa ka sheegay in Doorashada Madaxweynaha JFS ay dhacayso 30 October ee Sandkan.
Waxaan wali laga heshiin waxa lagha yeelayo kursiga Xasan Shekh oo waqtigiisii dhacayo labaatanka bishan aan ku jirno.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS