X

Walaac ka jira xanuun xun oo ku faafay jasiirada Madagaskar lagana baqayo inuu sii faafo

Walaac ka jira xanuun xun oo ku faafay jasiirada Madagaskar ee ku taal Afrika kuna beegan dhinaca Koofureed ee Somaliyeed. Xanuunkan ayaa laga baqayaa inuu sii faafo asagoo hadda gaaray caasimada dalkaasi.

Xanuunkan ayaa ilaa hadda waxa qaba 1800 oo qof wuxuuna diley 127 qof. Xanuunkan ayaa awal ku koobnaa tuulooyin oo uu sanadwalba ka dhici jirey.



Waxase doorkan uu ku faafay caasimada oo ay ku noolyihiin dad badan. Waxa lagu kala qaadaa hawada oo haddii qof qabo cudurka agtaada ku qufaco waxa dhici karta in aad qaado.

Wuxuu keenaa naqaf ku dheg khatara oo haddii aan la daaweyn keeni kara dhimasho deg dega. Waxa cudurka faafiya cayayaanada ku dul nool cawayaanada kale iyo dadka sida injirta iyo wixii la mida.



Injirta oo jiir qaba qaniinta waxay ku faafin kartaa dadka.

Inkastoo ururka caafimaadka aduunku qaybiyay daawooyin lana abuurey xarumo dadka lagu daaweeyo waxa laga baqayaa in mid ka xun uu yimaado siina faafo.



Xanuunkan ayaa si fudud lagu daaweeyaa waa haddii hore looga gaadho ayuu yiri khuburo u Hadley ururka caafimaadka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.