Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in fanaanka Farxaan Xidig oo hadda u wareegay dhinaca siyaasada la sheegayo in jeelka laga sii daayay.
Maanta duhurkii ayay ahayd markii wasiirka arimaha gudaha Somaliland sheegay in beri la sii daynayo. Ma jirto ilaa hadda wax faahfaahina oo aan ka helayno warka sheegaya in la sii daayay.
Farxaan Xidig ayaan isagu ka gaban waxa uu jecelyahay in uu sameeyo markii uu u wareegay dhinaca siyaasada sheegayna in uu ka shaqayn doono midnimada ummada Somaliyeed, waana ta xanaajisey maamulka gooni goosadka ah ee mudada ictiraaf ka raadinayay reer galbeedka.
Lama garan karo in lagula heshiiyay in uu afka xidho oo aanu ka hadal midnimo iyo warar noocaasa.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS