X

War deg dea: diyaaradaha Sucuudiga oo duqeyn ku dilay 30 askari iyo calooshood u shaqaystayaal Suudaani ah oo timi Yaman

Dagaalka Sucuudigu wato ee diimaha ee uu u ku qaaday Yaman ayaa maraya bishii todobaad ilaa hadana wax guula kama gaadhin waxase maanta diyaaradaha uu hubeeyo Maraykanka iyio Yuhuudu ku dileen askar ka mida kuwa uu taageero oo gaaraysa ilaa 30 askari halka ilaa 60 ay yihiin dhaawac. Dhinaca askar calooshood u shaqaystayaala oo u dagaalamaya Sucuudiga laga keenay Suudaan ayaa soo gaaray Yaman.

Sucuudiga ayaa askar badan ka qortey wadamada gaajada ah ee Afrika askar fulisa diintiisa urur diimeedka Salafiga si ay ula dagaalamaan shiicada ay gaaleeyeen. Ciidanka dawlada Yaman ayaa wali xukuma Sanca halka kuwa Sucuudiga iyo carabta kale wataana uu fadhiyo Cadan ayna ilaaliyaan askarta Sucuudiga.

Duqeymaha Sucuudigu ka gaystay Yaman oo ah dal fiqiira ayaa burburiyay dalkoo dhan waxana macaluul u dhimanaya boqolaal qof oo reer Yamani ah oo qaarkood soo gaareen Somaliya si ay uga nastaan duqeymaha urur diimeedka Salafiga ee Sucuudiga,.

Calooshood u shaqaystayaasha Sucuudiga ayaa gaaraya ilaa 10,00 oo askari halka askar kale u dagaalanta Sucuudiga laga keenayo Sinigaal iyo Afrika kale.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.