X

War deg deg: qoxootigii socodka ku marayay Hungary oo basas lagu qaaday ilaa Jarmalka

Dhacdo cusub oo Yurub ka dhacday iyo qoxooti farabadan oo lug ku marayay Hungari laguna dayay xoog laakin socon wayday ayaa basas lagu qaaday loona gudbiyay Jarmalka. Dhacdadan ayaa timi kadib markii Jarmalku sheegay in sharcigii reer Yurub dhigteen ee ahaa in magangalyo doontu iska dhibo dalka u horeeya ee uu soo galo. Hungari ayaa waxa ka dhacay dhacdooyin foolxun taas oo keentay in dad tareen laga dejiyay si faraha looga dhigo ay isku tuureen birta tareenka.

Talabadan basaska loogu qaaday magangalyo doonta ayaa waxay keenaysaa in kumanaan soo jiidhaan dhamaan wadamada Jarmalka ka sokeeya tan oo aan la garan karin sida Jarmalku ka yeli doono.

Jarmalka ayaa noqday dalka kaliya ee isagu sheegay in uu qaabilayo qoxootiga Siiriya iyo Eriteriya sidas awgeedna ay dad badan oo ku jirta xeryaha Urdun iyo Turkiga ay isku soo guraan badda Turkiga iyo Giriiga.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.