X

War deg dega: Argagixisada oo weerar isqarxina ku qaaday garoonka diyaaradaha ee Istanbul, dhimasho jirta

Wararka laga helayo caasimada labaad ee Turkiga ee Istanbul ayaa sheegaya in argagixisada weerar isqarxina ku qwaaday gegida diyaaradaha ee Attaturk. Wararka ayaa sheegaya in ilaalada garoonku dagaal xoogan la galeen argagixisada oo markiiba isqarxiyay.

Argagixisada aya rasaas ooda uga qaaday wixii ay arkeenba markii ay weerarka qaadeen. Waxana jirey dagaal kooban oo u dhexeeyay ilaalada iyo iyaga.

Dhimashada ayaa kor u dhaaftey sodon qof halka dhaawaca lagu sheegay in uu kor dhaafey140 qof. Ciidamada ayaa welli la dagaalaya argagixisada.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ugu baaqay aduunka qaasatan reer galbeedka in ay talaabo la taaban karo la qaataan ficilka caawa dhacay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.