Argagixiso hoobiyeyaal ku soo tuurey shacabka Muqdisho oo abaalkood la mariyay. Argagixisadan shabaab ayaa hub bilaa indho shacabka ku soo dhex tuura halkaas oo ay xasuuqaan muslimiin farabadan o dhiigoodu macno la’aan la yahay.
Iska hor imaad maanta ku dhexmaray ciidanka NISA iyo argagixisada hoobiyeyaasha tuurayay oo ahaa dhagoolayaal la yiri janaad gelaysaan ayaa lagu diley halkaas mar isku dayeen in ay goobta ka cararaan.
Ciidamada ayaa mara hore diley argagixiso hubka soo tuurayay halka mid kalana la baacsaday kadibna uu galay guri islaameed isagoo ilaaway janadii uu raadinayay iyo dhimashadii uu jeclaa. Guriga ayaa ku yaalay xaafada wadajir.
Howlgal muddo qaatay kadib ayaa la soo badbaadiyay dadkii guriga deganaa, waxaana la dilay goor dhoweyd ninkii guriga galay ee argagixisada shabaab oo hadda ku qoslaya dilkiisa.
Wararkii uu danbeeyay ayaa sheegaya inuu qarxay gaarigii ay ciidamada qabteen ee hoobiyaha uu saarnaa, dagaal muddo ka badan saacad iyo is baacsi socday ayaa soo gabagaboobay hadda.
Hoobiyeyaashii maanta lagu duqeeyay magaalada ayaa xaafado u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ku dilay canug yar, kuna dhaawacay laba kale.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS