X

War deg dega: Banaanbax xoogan oo ka socda caasimada Awdal iyo isgaarsiinta moobilka oo go,an iyo ciidan rasaas nool ridaya

Boorama 13 Dec 2014–Wararka ka imanaya caasimada Awdal ee Boorama ayaa sheegaya in banaanbax xoogan uu ka socdo halkaasi kaasi oo sida aan wararka ku helayno lagu taageerayo mowqifka CAD ee Suldaan Wabar. Ciidanka ayaa banaanbaxayaasha oo ah dhalinyar qiireysan ku ridey rasaas nool sida caadiga ah ee lagu yaqaan.

Ilaa hadda lama sheegin wax khasaare hanti iyo dad oo soo gaarey magaalada inkastoo warku cusub yahay. Waxase durba soo baxaya cambaareyn dusha looga tuurey ciidanka dhalinyarta u adeegsaday rasaasta nool taas oo cida ay dilaan aanu jirin cid la xisaabtanta.

Kala soco Araabinet wixii soo kordha.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.