X

War deg dega: Ciidanka Yaman oo dhulka soo dhigey diyaarad xasuuq ku haysay dadkooda oo laga leeyahay Marooko

Sanca–Ciidanka Yaman ayaa dhulka soo dhigey diyaarad dagaal oo xasuuq ku haysay shacabka Yaman qaybna ka ah dagaal diimeedka kooxda Salafiga ee Sacuudigu ku gaaleeyeen dhiigoodana ku banaysteen Shiicada Muslimka ah. Diyaaradan oo ah diyaaradaha uu sameeyo Maraykanku ee F-16 ayaa la tusay raqdeedii oo taala buuraha goboolka Saada.

Telefishanka ay leeyihiin dawlada Yaman khaasatan ururka Xuutiyiinta ayaa shaaciyay goobta ay diyaaradu ku dhacday soona sawiray geeyayna saxaafada.

Waa diyaaradii labaad ee ay dawlada Yaman soo rido ilaa iyo intii ururka diimeedka Salafiga Sacuudigu uu xalaashaday xasuuqa Muslimiinta Yaman.

Salafiga Sacuudiga ayaa gumaad toosa u gaysta shidaalka dalka, isbitaalada iyo guryaha shacabka iyadoo Qaramada Midoobey ka qayliday xasuuqa uu u gaystay Yaman oo faqiira.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.