X

War deg dega: diyaarad ay leedahay imaaraadka oo ku burburtey Dubai

Diyaarad ay leedahay Imaaraadka qaasatan Dubai ayaa ku burburtey madaarka dalkaasi kadib markii sida la sheegayo uu taayirku u bixi waayay. Wararka qaar ayaa sheegaya in dab ku soo qabsaday hawada.

Waxa la arkayaa oo la daawadey diyaarad oo qaraxdey markii ay cagaha dhigatey waxyar kadib lama hubo in khasaare jiro iyo in kale.

Kooxaha gurmadka ayaa markiiba yimi goobta waxay isku dayeen in ay bakhtiiyaan dabka. Diyaaradan ayaa sidey ilaa 300 oo qof waxayna ka soo duushey Hindiya.

 Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dab ku soo qabsaday intii ay hawada ku soo jirtey.

Diyaarad ay leedahay Masar ayaa iyadna ku burburtey badda u dhaxaysa Masar iyo Giriiga waxana loo malaynayaa in dab ku qabsaday hawada.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.