War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in diyaarad xamuula oo Muqdisho dul heeheebaysay cabaar ayaa hadda la sheegayaa in ay ku dhacday deegaanka Carbiska oo u dhow Afgooye lama garanayo cida xukunta deegaankaas. Diyaaradan xamuulka ah ayaa laga yaabaa in ay u rarneyd ciidamada Amisom waxase ay ugu deg wayday garoonka Muqdisho oo MUGDI ah oo habeenkii aan shaqayn maqribka kadib.
Diyaarada ayaa la sheegayaa in ay ka soo daahdey xilligii ay iman lahayd Muqdisho isla markaasna lagu kala tagey garoonka oo ayna cidi joogin.
Shaqaalaha garoonka oo ka warhelay ayaa isku dayay in ay wax u shidaan waxase ka dhamaaday shidaalka. Diyaarada ayaan la garanayn waxa saarnaa. Wararkii uGu dambeeyay ayaa sheegaya in ay ku dhacday xero Amisom xukunto afaafkeeda hore.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM