Wararka aan ka helayno garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegaya in diyaaradii sidey madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ay ka degi wayday garoonka Muqdisho.
Diyaarada ayaan la garanayn in cilad farsamo haysato, waxase wararku sheegayaan in ay dib uga noqotey garoonka. Masuuliyiin jooga garoonka ayaa sheegay in diyaaradu degi waydey.
Lama garan karo in diyaaradu dib ugu noqotey Jabuuti iyo in ay ku soo noqonayso Muqdisho.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa hadda sheegaya in diyaaradii Geelle ay ku laabatey Jabuuti oo hadda uu matali doono wasiirkiisa arimaha dibedda.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS