X

War deg dega: Doon ay saarnaayeen 700 oo qof oo ku degtay meel u dhow jasiirada Lambadusa imisaa la badbaadiyay

Lambadusa–Shaqaalaha gurmadka ee Talyaaniga ayaa ku gudajira arin deg dega iyadoo doon ay saarnaayeen 700 oo qof ay xalay Ku degtay meel u dhow jasiirada Lambadusa ee Talyaaniga. Markab gurmad ah ayaa hadda badbaadiyay 28 qof waxana lagu tilmaamay mid aad u qalifan.

Doontan ayaa ka soo baxday xeebaha wadanka burburay ee Liibiya iyagoo dadka saarnaa lagu qiyaasay 700 o qof markay socotay masaafo ay soo dhaaftay baddii Liibiya ay markiiba degtay. Lama garanayo sababta. Tahriibayaal farabadan ayaa ka faaiideysanaya badda degan iyagoo raadinaya nolol fiican inkastoo arintu sidaas ahayn.

Raiisal wasaaraha Malta ayaa sheegay in ay maalmahan ka shaqayn doonaan gurida maydka intii la helo. Maraakiib kale oo gurmada ayaa ku jeeda halka doontani ku degtay oo ilaa hadda raadinaya raqda dadkii la socday.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.