X

War deg dega: Safiiro iyo xaasakooda oo ku dhintey diyaarad helikobtara oo ku burburtey gobolka Kashmir ee Bakistaan

Islamabad–War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in diyaarad helikobtara oo ay leedahay ciidanka Bakistaan oo siday safiiro iyo xaasaskooda ay ku burburtey gobolka Kashmir oo raiisal wasaaraha Bakistaan ka furayay mashruuc ku cusub Bakistaan,.Safiirada la xaqiijay in ay dhinteen ayaa ah wadamada Norwey iyo Filipiin halka xaasaska safiirada Malaysiya iyo Indoonisiya ay iyaguna dhinteen.

Safarkan ayaa ahaa safar safiiradu uga qayb galayeen mashruuc raiisal wasaaruhu ka furayay gobolka Kashmir magaalada Gilgil-baltistan.

Diyaarada helikobtarta ah ee safiiradu la socdeen ayaa cilad soo gaadhay waxayna isku dayday in ay si deg dega ku degto kadibna waxay ku dul burburety dugsi ku yaal magaalada halkaas oo dab ka kacay kadib.

Safiirada kale ee dhaaweacmey ayaa waxa ku jira safiirada dalalka Poland iyo Holland oo iyaga dhaawacooda loo qaaday isbitaal milatariga Bakistaan leeyahay oo ku yaal Gilgil-baltistan oo ka mida gobolka Kashmir.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.