X

WAR DEG DEGA: Wadamo Sucuudigu iskaga darsaday xulafo milatari oo la yaabay qorshihiisa urur diimeed ee ka dhanka ah muslimiinta kale

Wadamo uu Sucuudigu ku darsaday xulafo milatari oo uu kula dagaalamayo muslimiinta kale sida Iiraan, Ciraaq iyo Siiriya ayaa si gooni gooni ah uga hadlay ku darsiga Sucuudigu ku darsaday. Bakistaan ayaa sheegtay in aan lagala tashan isla markaana waydiisey safiirkooda in uu soo siiyo faahfaahin.

Malaysiya ayaa iyadna meesha ka saartey in ayna haba yaraatee ku jirin wax milatari ah oo la xiriira sida warka loo sheegay laakiin caadiyan taageersan tahay la dagaalanka argagixisada.

Indooniisiya ayaa iyadna nin u hadlay uu sheegay in ayna wali go’aansan in ay ku biiraan urur diimeedka Sucuudiga ee Salafiga ee dagaalka kula Jira wadamada Iiraan, Ciraaq iyo Siiriya laakiin ay ka war dhowrayaan nooca uu yahay wadashaqayntu.

Sadexdan wadan oo xora ahna wadamo iyagu samaysta hubkooda halka qaarna samaystaan diyaaradaha ayaa neceb in ay ka qayb qaataan dalada urur diimeedka Sucuudiga uu Muslimiin kale u hub gurtey qaarkoodna uu diinta ka saaray.

Ururada argagixisada ee barakiciyay malaayiin Muslimiina ayaa maalgelinta ugu badan ka hela Sucuudiga maadaama ay isku caqiido yihiin ficilada ay sameeyaana dhamaan lagu arko Sucuudiga.

Wadamada kale ee ku Jira xulafada Sucuudigu sheegtay ayaa u badan fiqiir aan hadli Karin oo ay lacago ku laaluushan sida Somaliya oo aan jirinba. Waxase lagu farxi karaa in laga joogsadey fidnada Sucuudigu ka wado aduunka Muslimka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.