Ciidan aan la garanayn ayaa weerar ku qaaday beerta dadkii lahaa joogaan ee la rabo in laga dhigo guriga martida Boorama. Weerarkaas ayaa lagu qaatay hanti taalay beerta oo sida warar hore noo sheegeen lagu kala baxay lahaanshaha beertaas farahana looga qaaday dadka iska leh beerta. Weerarkan oo dhacay subaxdii ayaan wax khasaare nafeed ah la sheegin.
Waxa kale oo warar kale noo sheegayaan in qoladii qandaraaska lagu siiyay in ay ka dhisaan guri martiyeed ay yihiin kuwa ka dambeeya hantida laga dhacay beerta inkastoo warkaasi aan la xaqiijin karin sida uu noo sheegayo wariyaha Araabinews.com. Beerta ayaa la sheegayaa in ay cagaf ula yimaadeen taasina ay keentay in israsaasayni. Beerta waxa iska leh marxuun Maxamud Wacays mana aha mid muran geli karta.
Wasiirada maaliyada Somaliland Samsam ayaa arintan loo sheegay markay joogtey Boorama waxana wararku noo sheegayaan in ay ku qanacday in aan hanti dad leeyahay laga dhigi karin guri martiyeed. Si kastaba ha ahaatee dhacdadan foosha xun ee hanti lagu dhacay weerar cidii doontaba ha soo qaadee ayaa ka tagaysa cawaaqib xumo aan la garanayn halka ay ku dambeyn doonto.
Ku Xirnow Araabinews.com warkii u dambeeyay ee dhacdadan.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM