Allaha u naxariistee waxa mardhow u geeriyooday rasaas ay ku dhifteen argagixisada shabaab xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo ka soo jeeda Somaliland. Weerarkan lagu dhaawacay xildhibaan Gurxan ayaa waxaa mas’uuliyadiisa isla markiiba sheegatay kuna farxay dhiigmiiratada banaysatay dhiiga baniaadamka ee shabaab
Kooxaha hubeysan oo watay gaari ayaa xildhibaanka ku toogtay meel ku dhow Bacadlaha degmada Xamar-weyne, xilli uu ku socday xarunta baarlamaanka oo uu ka dhacayay kulan ay xildhibaannadu lahaayeen.
Dhaawaca xildhibaanka loo geystay ayaa ahaa mid culus, kaddib markii kooxaha hubeysan ee weeraray ay rasaasta kala dhaceen qaybta sare ee jirkiisa, waxaana tan iyo markii uu soo gaaray dhaawaca lagu daweynayay mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho.
“Allaha u raxmadee xildhibaanka Maxamed Axmed Gurxan dhaawicii maanta soo gaaray ayuu u geeriyooday, waxaanan tacsi u dirayaa ehelladii, asxaabtii iyo xildhibaannada BFS ee uu ka tirsanaa,” ayuu Maareeye ku yiri hadal uu warbaahinta siiyay.
Xildhibaan Gurxan ayaa wuxuu noqonayaa xildhibaankii lixaad oo sannadkan 2015-ka oo keliya lagu dilo magaalada Muqdisho, iyadoo toddobaad ka hor weerar lagu qaaday Hotel Saxafi ee Muqdisho lagu dilay xildhibaan Maxamed Cabdi Abti-doon oo xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka tirsanaa.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM