Warar hada na soo gaaray ayaa sheegaya in 42-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah maamulka loo dhisayo gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Xildhibaanada ayaa dalbaday in maamul dhisida labadaan gobol dib loo dhigo, inta laga soo xalinayo is qab qabsiga jira. Mooshinkaan waxaa qabtay gudoonka baarlamaaanka waxaana la sugayaa in xildhibaanada ay kulan ka yeeshaan.
Soo jeedinta mudanayaashan ka dib ayaa waxaa laysla gartay in loo muddeeyo xilli kale maaddaama uu buuxsami waayay kooramkii cod u qaadista mooshinkan.
Guddoonka baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu u sheegay xildhibaannadii soo gudbiyay mooshinkan in kulanka ugu horreeya ee ay baarlamanka yeelan doonaan looga hadli doono arrintan ku aaddan dib u dhigista shirka ka socda Jowhar.
Shirka oo 12 Jaaayo ee sanadkan ka billowday magaalada Jowhar,ayaa haatan maraya meel wenaagsan markii ay dowladda federaalka dadaal xooggan u gashay isu keenidda dhammaan cuqaasha iyo wax garadka labada gobol.
Dhanka kale,kulankii xildhibaannada ee maanta ay ku yeesheen xaruntooda,ayay ku meel mariyeen heshiiska wada shaqaynta caafimaadka oo horay ay u gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga,
Heshiiskan u dhexeeya labadan dowladoow ayaa ah mid faa’iido ballaaran u noqon doona shucuubta labada dhinac iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS