X

War deg dega: Argagixisada Bakistaan oo xasuuqdey in ka badan 60 qof magaalada Lahore

Argagixisada Bakistaan ayaa xasuuq ba’an ka gaysatay magaalada xadka ah ee Lahore halkaas oo dhimashadu marayso in ka badan lixdan. Wararka ayaa sheegaya in naftii halige uu isku qarxiyay goob dadku ku nastaan xilliyada galabta ama habeenkii oo ku taal Lahore.

Bakistaan ayaa waxa ka Jira argagixisada Talibaan oo xasuuq xun ka gaystey dalka inkastoo ay laba u kala jabeen. Weerarkan fuleynimo ayaa la sheegayaa in ay ku qaadeen goob ay ku badan yihiin dadka Kiristaanka ee tirada yar.

Dhaawacyada ayaa loola cararay isbitaalada magaalada waxana socda in la xaqiijiyo iyadoo dhamaan isbitaalada u dhow la wargeliyay in ay diyaar garoobaan.

Raiisal wasaaraha adalka Nawaz Shariif yaa cambeereeyay ficiladan dhiigmiiradku ku gumaadayaan dad aan waxba galabsan oo aad moodo in la soo siiyay tigidh ay ku xasuuqaan dadka RABI abuurtey.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.