Boorama-Wararka caawa aan ka helayno degmada Boorama ayaa xaqiijiyay in askari ka tirsanaa ciidanka maamulka Hargeysa kana soo jeeda beesha dhexe oo maanta ku dhaawacmay dagaalkii fooda la isdaray ee iyaga iyo kacdoonka ayaa caawa u geeriyooday dhaawaciisii. Askari booliisa oo magaciisa diidey in uu noo sheego ayaa xaqiijiyay geerida askariga.
Magaalada Boorama ayaa laga dareemay dagaalkii saaka iyadoo dadka badankoodu ka sheekaysanayay dagaalka oo dadka badankoodu ka bixiyeen faalooyin kala duwan.
Waa weerarkii labaad ee kacdoonku ku qaado maleeshiyada Hargeysa ee joogta gobolada Adal. Weerarada noocana ayaa inta badan galiya cabsi xoogleh madaxda Siilaanyo u jooga Awdal.
Dilka askarigan ka so jeeda beesha dhexe ayaa been ka dhigeysa in askarta joogta gobolka ayna ahayn kuwa u dhashay deegaanka.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM