Afgambigii koox ka tirsan ciidanku ku qaadeen dawlasa akhwaanka ee Erdogan ayaa fashilmey iyo madaxewyne Erdogan oo ku soo laabtey Istambul.
Askar aad u tababaran ayaa ku guulaystey in ay hubka ka dhigaan koox ilaa hadda aan la garanayn cida ka dambeysa oo xalay isku daydey in ay xukunka la wareegaan.
Erdogan oo ka soo degay madaarka Istambul oo la is lahaa waxa uu gacanta ugu jirey askartii afgambiga waday ayaa beenowdey. Erdogan ayaa toos loo geeyay gurigiisa.
Raiisal wasaare Yildirim ayaa sheegay in taliyaha ciidanku uu hogaaminayo soo celinta amniga iyo hub ka dhigista ciidanka weerarka gaystey.
Afgambiga la isku dayay ayaa ka yaabiyay aduunka oo dhan iyadoo loo haystey in Turkiga ay ka dhamaadeen afgambiyada.
Waxa halmar burburiyay kala dambeyntii waxana la arkayay gawaadhida oo shidaal safaf dhaadheer u galay.
Erdogan ayaa balan qaaday in ciidankii weerarka gaystey la mariyo ciqaabta ku haboon.
Waxa la arkay subaxan saaka meelihii la weeraray oo uu ku jiro barlamaanka. Turkiga ayaa ah dal aad u muhiima oo lagu faani jirey nabada iyo horumarka ka socda.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS