War hadda soo dhacay oo ka imanaya xajka ayaa sheegaya in dhimashadu gaarayso ilaa 310 qof kadib markii la isku tuntey. Sababta dhimashada ayaan ilaa hadda la cadayn iyadoo lagu jiro maalmihii ugu dambeeyay ee xajka. Xujaajta ayaa joogta Mina halkaas oo xujaajtu dhagax ku tuureysay goobtii shaydaanku ugu yimi nabi Ibrahim cs.
Warar ayaa sheegaya in dhacdadan kala cararka ayna ka dhicin Mina gaar ahaan goobta dhagaxa lagu tuuro ee ay ka dhacday wadada 204 oo ah goob teendhooyin badan ka dhisan yihiin xujayduna ku nasato.
Sucuudiga ayaa sheegay in ilaa 400 oo dhaawaca loo qaaday isbitaalada. Isu tumashada ayaan la garanayn waxa keenay iyadoo laba usbuuc kahor ay ku dhinteen dad badan kadib markii uu soo dhacay wiish.
Ilaa hadda lama garanayo in ay Somali ku jiraan dadka dhintey lamase oga in dhimashadu sii kordheyso.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM