X

War deg dega: dilaagii weynaa ee Xasan Xanafi oo cadaalada la marsiiyay lana toogtey hadda: SAWIRO

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka dil Toogasho ah ku fuliyay Xasan Xanafi Xaaji C/salaan oo ahaa dilaa weyn oo ka tirsanaa argagixisada shabaab qirteyna xasuuqa dad waxtar u lahaa bulshada.

 Xukunka Dilka ayaa ka dhacay Fagaaraha Iskuul Bulisiya ee degmada Xamar-Jajab, waxaana ka qeyb galay Wariyaal iyo Ehelka Wariyaashoodii la dilay.

 Xasan Xanafi ayaa lagu helay Dilalka Wariyaasha kala ah Sheekh Nuur Abkeey, Mahad Axmed Cilmi, Cali Iimaan Sharmaake, Saciid Tahliil Axmed iyo Wariyaal kale oo Soomaaliyeed.

Sadexdii bisha Maarso ayay ahayd markii Maxkamadda darajada Koowaad ay ku xakuntay dil toogasho ah, iyadoo Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida ay 26-kii Maarso ku raacday xukunkii dilka ah ee ay riday Maxkamadda darajada koowaad.

 Argagixisada ayaanan dhankooda wax war ah ka soo saarin qabashada iyo toogashada Xasan Xanafi Xaaji oo mudo dheer ka tirsanaa iyaga waxana lagu yaqaan in ayna ka hadlal, kaas oo dowlada ay gacanta ku soo dhigtay xili uu ku sugnaa dalka Kenya.

 Dhowaan ayaa sidoo kale waxaa la toogtay labo nin oo loo heestay inay ka danbeeyeen dilkii loo geestay wariye Hindiyo Xaaji Maxamed oo ka tirsaneed warbaahinta Dolwada Soomaaliya Allaha u naxariistee.

Xukunada sidana ayaa farxad gelinaya shacabka Somaliyeed ee ay baneysteen dhiigooda argagixisada caruurteena iska hireysiisa ee shabab la baxday.

admin:

This website uses cookies.