Ugu yaraan sadex qof ayaa loola cararay isbitaalada Muqdisho kadib markii haweenay argagixisadu ka soo buuxisay qaraxyo ay isku qarxiyay goob maqaaxi ah oo ku taal isgoyska Balaag see.
Qaraxa ayaa waxa ku dhintey haweenaydii lagu soo xirey iyo askari ciidana. Dhiigmiiratada shabaab ayaa markiiba sheegatay si weyna u amaanay haweenayda ay adeegsadeen.
Waxa toos u daawanayay dhiigmiiratada markii haweenaydu is qarxinaysay. ”Hadda wixii ka dambeeya waa in aan u fiirsanaa haweenka awal aan dhowraynay maadaama argagixisadu adeegsanayso ayuu yiri masuul u hadlay ciidanka amniga.
Haweenka oo inta badan ku jirin isqarxinta dhiigmiirada ayay argagixisadu u adeegsataa dhinaca sahaminta, ayagoo u tuura shilimaad yar ama u hanjaba.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS