X

Warar naxdinleh oo laga soo sheegayo dhaawacyadii loo qaaday Suudaan

Warar naxdinleh ayaa laga soo sheegayaa dhaawacyadii loo qaaday Suudaan. Wararka hordhaca ayaa sheegaya in dadkii lagu tuurey isbitaalo aad u liita taasina sababtey in ayna helin daryeelkii loo baahnaa.



Wararka naxdinta leh ayaa ah in qof Somali ah ku dhintey daryeel xumadaa. Qadar ayaa sheegtay in ay bixinayso daryeelka dadkaasi ayadoo lagu tuurey dal fiqiira oo tayadiisa dhaqtarnimo ayna fiicneyn.



Safiirka Somaliya u fadhiya dalkaasi Suudaan ayaa sheegay in dadfka markii hore la geeyay meel ku meelgaadha taas oo qorshuhu aanu ahayn.

Wasiirka arimaha dibedda Somaliya ayaa isna dhinaciisa ka hadlay daryeel xumada haysata Somalida la geeyay dal fiqiira wuxuuna yiri “Waxaan hadda sheegi karaa in inta badan dadka dhaawaca ah la xalliyay cabashadii ay qabeen, inta yar ee hartayna waxaa qorshuhu yahay in isla maanta la xalliyo.” Ayuu yiri Yuusuf Garaad.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.