X

Warar sheegaya in maamulka Siilaanyo wadahadal la qaadanayo madaxda Khaatumo State

Warar ka soo baxaya tuulada Caynabo ee u dhaxaysa Laascaanood iyo Burco ayaa sheegaya in kulan ku dhexmari doono maamulka Siilaanyo iyo madax ka tirsan kuwa Khaatumo State.

Weftigan Wasiiradda oo dhinaca maamulka Siilanyo uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Mudane Cali Maxamed Warrancade, oo ay ku wehelinayaan xubno Wasiiro ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda JSL Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa safar aan hore loo sii shaacin ugu amba baxay Gobolka Saraar gaar ahaan Magaalada Caynaba oo ay ku balansan yihiin inay wada hadal kama dambays ah la galaan Hogaamiyaha kooxda Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh

Wararka aanu ka helayno labada dhinac ayaa sheegaya in Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo wafti uu hogaaminayaa ka soo ambabaxeen dhanka gobolka Buuhoodle si ay labadan dhinac ugu wada hadlaan magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar.

Wada hadaladan ayaa haddii ay qabsoomaan waxay noqonayaan, wada hadalkii u horeeyey ee dhex mara labada maamul ee aan is aqoonsan. .
Weftiga Wasiiradda ayaa sidoo kale ka qayb galaya, xidhitaanka shir dhaqameed maalmahanba ka socday magaalada Caynaba.

Xukuumada Somaliland iyo Hogaamiyaha Khaatumo Prof Galaydh oo Wada hadalkii Kowaad Beri uga Furmayo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.