X

Wararka caawa ee xulalka Faransiiska iyo Aysland (Iceland)

(Saint-Denis) 03 Luulyo 2016… Fransiiska waxa ay isha ku hayaan in ay gaaraan afar dhamaadka Euro 2016 oo ay iyagu marti galinayaan. Hayeshee, waxa ay wajahayaan Iceland oo soo reebtay Ingiriiska. Lagama fili karo wax walba Lamana dhayalsan karo xulkaas.

Wararka labada dal aan ku horeyno Fransiiska:-Samuel Umtiti ayaa lagu soo waramayaa in uu uu ku soo bilaaban doono kulankan halkii la door bidi lahaa Eliaquim Mangala madaama uu gabaax ku maqan yahay Adil Rami N’Golo Kante isna wuu ganaaxan yahay kaddib markii uu jaale labaad qaatay kulankii Ireland waxaana badali kara Yohan Cabaye.

Blaise Matuidi keydka ayuu u dhici karaa halka Pogba uu booska uu jecel yahay ee garabka biddin dhexe ka ciyaari doono.

Wararka Aysland (Iceland) iyaga mushaakil badan ma qabaan oo safkoooda ah. MALA SOCOTAA? -Fransiiska lagama badin sagaalkii kulan ee u dambeyey ciyaaraha Yurub.

SAFAFKA LA FILAN KARO INAY U SAFTAAN LABADA KOOXOOD Fransiiska: Lloris; Sagna, Koscielny, Umtiti, Evra; Pogba, Cabaye, Matuidi; Griezmann, Giroud, Payet. Wey seegayaan kulankan kan xiga hadii ay jaale qaataan: Giroud, Koscielny.

Aysland (Iceland): Halldórsson; Sævarsson, Árnason, R Sigurdsson, Skúlason; Gudmundsson, Gunnarsson, G Sigurdsson, B Bjarnason; Bödvarsson, Sigthórsson. Wey seegayaan kulankan kan xiga hadii ay jaale qaataan: Árnason, B Bjarnason, Gudmundsson, Gunnarsson, Halldórsson, Sævarsson, Sigthórsson, G Sigurdsson, Skúlason Gegida: (Stade de France) Saacada Geeska africa 10:00 pm

Warbixintii Mukhtaar Cali Aadan

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.