X

Wararka dagaal u dhexeeya maamulada Puntland iyo Galmudug

Wararka dagaal u dhexeeya maamulada Puntland iyo Galmudug. Dagaalkan oo soo bilowday aroornimadoo hore ee saakay ayaa waxa ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, maadaama intii uu dagaalka socday ay soo gaarayeen gurmadyo kala duwan.



Labadan maamul ayaa hadda isku soo dhawaanayay kadib markii meel ka wada joogsadeen dawlada dhexe. Galmudug ayayna ka jirin maamul maadaama xarunta gobolka ay haystaan maamul goboleedka gobolada dhexe.



Khasaaraha horudhaca ah ee dagaalkan ka dhashay ayaa waxa uu yahay in ay dhinteen 15 qof, halka sidoo kale ay dhaawacmeen in ka badan 20 qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay.

Dagaalka maanta ayaa ka duwan dagaalada soo noq noqday ee labada dhinac billihii ugu dambeeyay ku dhex maraayay Gobolkaasi Mudug, maadaama maanta keliya ay barakac sameeyeen dad aad u badan.



Maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaan weli ka hadlin dagaalka labada dhinac ku dhexmaray degaano dhanka Bari kaga toosan Xarunta Gobolka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.