X

Wararkii qaraxa: maydad horleh oo haween iyo caruura oo laga soo saaray Huteel Naasa hablood

Maydad horleh ayaa saaka laga soo saaray Huteel Naasa hablood halka 3 dhiigya cab ay masuuliyiintu sheegeen inay gacanta ku dhigeen. Wararkii ugu dambeeyay ee aan helayno ayaa sheegaya in rasaastu dhacaysay ilaa saakadii hore laakiin hadda la soo afjaray.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa hilfaha u qaadey argagixiso galay gudaha hoteelka. Maaha markii ugu horeysay ee argagixisadu weerarto huteelkan.



Maydadka argagixisadu xasuuqdey waxa ku jira haween iyo caruur oo saaka la soo saaray waxana welli socda baaritaanka hoteelka oo ay macquul tahay in la helo dadka kale oo shahiidey.

Tirada saaka la soo saaray ayaa ah sideed qof oo mayd ah ayuu yiri masuulka saxaafada la hadley.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.