X

Wararkii u dambeeyay ciidamo la wareegay garoonka diyaaradaha ee Garoowe

Wararkii u dambeeyay ciidamo la wareegay garoonka diyaaradaha ee Garoowe. La wareegan ayaa imaanaya xilli ergayga gaarka ah ee QM u jooga Somaliya uu ka jawaabay dalab uga yimi Cabdiwelli Gaas oo ahaa in la dhex dhaxaadiyo dawlada dhexe.


Ergayga gaarka ah ee QM ayaa marmarsiyo ka dhigtey in mucaaradnimada dhowr horjooge ay wax y dhimayso kaalmo uu shegay inay bixiso QM oo la siin lahaa Somaliya.

Ciidamada gadoodsan ayaa la wareegay Garoonka ayagoo ka cabanaya in Cabdiwelli Gaas ku fashilmey inuu siiyo mushahar. Askarta ayaa la sheegay inay ka yimaadeen furinta Tukaraq.


Wararkii u dambeeyay aya sheegaya in Cabdiwelli Gaas soo direy masuuliyiin la hadla madaxda ciidanka hogaaminaysa loona sheegay in hadda la dhamaynayo cabashadooda ku aadan mishahar la’aanta.

Maaha markii ugu horeysay oo ciidanka Puntland ka cawdaan mishahar la’aan iyo dhibaatooyin kale oo ku aadan xuquuqdooda askareed, waxana inta badan la xaliyaa marka ay qabsadaan goob maamulku leeyahay.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.