Waxa saaka dagaal uu ka dhacay deegaanka Ceelaayo oo ilaa 30km u Jira magaalo xeebeedka Boosaaso halkaas oo ciidanka Puntland ku baxeen dad aad u badnaa oo la tahriibinayo. Ciidanka ayaa si qaabdaran u galay waxana goobta ka dhacay iska caabin ay sameeyeen kuwii watey dadka.
Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen waxana ciidanka baddu markii dambe ku guulaystey in ay raadiyaan cidii wadatey dadkan una watey in lagu gumeysto Carabaha.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS