Dawladda Puntland ayaa labadii maalmood ee laso dhaafay waday hawlgal adag oo gudaha Puntland looga sifaynayo Koox naf lacaari ah oo Alshabaab ka tirsan kuwaas oo ku dhuumaalaysanaya Qarar iyo Toga Suuj ee Gobolka Nugaal
Dagaal ayaa maanta mar kale ka qarxay Bad-qabo oo shalay dagaal Argagixisadu ku riiqmatay uu ka dhacay maadaama aysan haysan buuro ay ku gabadaan Ciidanka Difaaca Dawladda Puntland ay ka weerareen jihooyin badan.
Dhanka kale Kooxda Alshabaab ee Togga Suuj ayaa Ciidanku ku hareeraysan yihiin, waxaana la saadaalinayaa in Maanta lasoo afjaro hawlgalka Suuj ka socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay.
Ugu dambayntii Saraakiisha Puntland ayaa guulo ka sheegtay dagaaladii dhacay, waxaana aad u yaraa khasaaraha soo gaaray dhanka Ciidanka Amniga dawladda Puntland, waxaana sidoo kale wali saraakiisha jiida hore ay ku mashquulsan yihiin tira koobka dhimashada soo gaartay Kooxda Alshabaab.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS