X

Wararkii u dambeeyay qarax argagixisadu la eegatay huteel ambassador iyo khasaare Jira: SAWIRO

Wararka aan ka heleyno Hoteelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho oo uu ka dhacay Qarax ayaa sheegaya in Saddex ka tirsan argagixisada shabaab ee banaystey dhiiga muslimiinta ay gudaha huteelka ku jiraan.

Mid kamid ah Saddexdii Nin ee galay Hotelka ayaa la sheegay in ay Toogasho ku dileen Illaalada Hotelka Ambassador iyadoo Labadii kale ay weli dagaalamayaan.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Howlgal ka wada Hotelka,kuwaas oo doonaya in ay soo badbaadiyaan Dadka ku dhex go’doonsan hotelka gudihiisa.

Inkastoo aan weli si dhab ah loo xaqiijin Khasaarah ayaa 20 Qof oo Qaraxa ku dhaawacantay waxaa la dhigay Isbitalka Madiina. Hotelka Ambassador ayaa ku yaalla Dhanka bari ee Isgoyska KM-4,iyadoo uu u dhaw yahay Daarta la yiraado Tree Biyaano.

Argagixisada oo ka helaysa kaalmo dad ka shaqeeya huteelada ayaa inta badan xasuuqda dadka ku Jira huteelada oo ay ka xunyihiin nolosha ay haystaan. Argagixisada shabaab ayaa gaalaysauy dhamaan qofkii aan raacsanayn.

 

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.