X

Wararkii u dambeeyay shaqaaqo dhexmartey liyuu booliiska iyo dad Hiiraan ku nool

Shalay ayay ahayd markii ciidanka liyuu booliisku dad ka kaxaysteen deegaan hoostaga gobolka Hiiraan laakiin xadka ah. Dadkan la kaxaystey ayaa ahaa 6 qof oo qayb ka ahaa shaqaaqo ka jirtey xadka.


Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay in Ciidamada liyuu boolis ay siidaayaan sidoo kalena soo wareejiayaan Lixda qof ee shalay Gelinkii dambe ay ka kaxeysteen deegaanka Xudey-Woogle oo 34km Waqooyi ka xiga Magalada Baladweyne.

Siideynta dadkaas iyo Gawaarida ayaa timi arkii maamulka iyo masuuliyiinta liyuu booliisku isku afgarteen in laga fogaado shaqaaqooyinka beelaha walaalaha ah.


Taliyaha Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magalada Baladweyne ayaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Odayaasha Dhaqanka waxaa uu u balan qaaday inay gacan ka geysan doonaan waxa sababay in Ciidamada Liyuu Boolis kaxaystaan dadka iyo Gaadiidka.

Deegaanka Xudey-Woogle oo ku yaalla xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya ayaa waxaa ku sugan Maleeshiyaad hubeysan, waana ta keentay in askartu yimaadaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.