X

Wararkii u dambeeyay xasuuq argagixisada rabtey oo fashilmey Muqdisho

Barqadii maanta ayay ahayd markii argagixisada dhiigmiiratada wahaabiga ee shabaab la baxdey ay isku daydey inay fuliso xasuuq la mida Kii Afgooye ee ay Ku xasuuqdey 80 qof in Ka badan laakiin uu fashilmey.


Masuuliyiinta dawlada ayaa sheegay in dhimashada qaraxa argagixisada ee ka dhacay isgoyska Sayidka ay ku dhinteen dad shacaba oo gaaraya ilaa 3 qof halka dhaawacuna gaarayo Shan.


Waxa gaariga qaraxa waday joojiyay Askari feejigan oo diyaar u ahaa qaraxyada soo socda taasina ay yaraysay xasuuq farabadan oo dhici lahaa.


Xilliga qaraxa ay soo wadeen ayaa goobtu ahayd meel mashquula waase loo feejignaa, waxa weji murugeysan la noqdey dhiigmiiratada ayuu yiri Cali Calasow oo Alle uga baryay inta geeriyootey inuu u naxariisto.

Waxay caadiyan jecelyihiin ugu yaraan boqol qof markaas ayaa dhiigoodu faxaa wixii intaas ka yar ayaga guul uma arkaan dhiigmiiratada wahaabiga ee shabaab ayuu raaciyay Cali Calasow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.