Wararkii u dambeeyay ee laga helayo xasuuqii ka dhacay Jarmalka halkaas oo dad ku jira suuq laga adeegto rasaas ooda looga qaaday. Dhimashada ayaa maraysay lix ruuxa. Wararka ayaa hadda sheegaya in dhimashadu korortey.
Booliiska magaalada Muniikh ayaa cadeeyay in ninka gaystey xasuuqan uu ahaa nin u dhashay Jarmalka laakiin ka soo jeeda dalkaasi IIRAAN uuna ahaa kaligii isla markaana uu is diley markii uu gaystey xasuuqa.
Ilaa hadda lama garan karo halka uu ka helay qoriga iyo in uu ka tirsan dhigmiiradka DAACISH.
Booliiska ayaa sheegay in dhimashadu hadda tahay sagaal qof halka dhaawacuna yahay 16 qof oo sadex ka mida xaalkoodu xun yahay. Ninkan IIRANIGA ah ayaa ahaa 18 jir caqligiisu ku filneyn.
Waxa hadda la baadhayaa in uu WAALNAA ama dhaqtarka loo geeyay xanuuno la xiriira arimahaas. Ninkan aya maydkiisa laga helay meel aan ka fogeyn halka uu xasuuqa ka gaystey.
Hoos ka daawo ninka is diley oo toogana dad shacaba
RASHIID CEELAANYO
ARAABINEWS