Wararkii ugu dambeeyay dagaalka maamulka Somaliland ku qaaday Tukaraq. Wararka ayaa hadda sheegaya in Puntland dib u soo riixeen ciidankii Tukaraq qabsaday laakiin welli Somaliland ku sugan tahay Tukaraq.
Dagaalka maamulka Somaliland qaaday ayaa waxa ka dhashay barakac xoogan ayadoo dadku sidii horeba isaga liiteen. Wararka ayaa sheegaya in maamulka Somaliland dhufeysyo ka qoteen Tukaraq.
0
Halka Puntland iyaguna aan meel sidaas uga fogeyn joogaan sugayaana gurmad u yimaada. Dagaalka ayaa hadda qaboobey maadaama cadceedu kulushahay.
Xiisada u dhaxaysa labada maamul ayaa soo jiitamaysay waxana dagaalkani imanayaa kadib booqashadii wasiirka qorsheyntu ku tagey Sanaag. Weerarka Somaliland soo qaaday ayaa ahaa gaadmo ayna fileyn kuwa Puntland.
Somaliland ayaa dhinaca kale fariin u direysa madaxweyne Farmaajo oo leh ka joog Sanaag inkastoo madaxweynaha laga celin Karin safarka hadduu damco.
Siyaasiyiinta gobolada Sool iyo Sanaag ayaa iyagu ku kala jira labada maamul taas oo ka dhigeysa xaalada labada gobol mid hadda iyo jeer kacsan.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS