Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helayno magaalada Boorama ayaa la sheegasyaa in arintu ay hadda degan tahay iyadoo xasuuqii ka dhacay garoonka iyo wiilkii la dilay oo la sheegayo hadda in si beel ahaana loo galay wiilkiina sidaa lagu aasayo. Beesha wiilka laga dilay ayaa dalbatay in sharciga la horkeeno ninkii rasaasta furey oo la sheegay in uu ahaa askari ka tirsan ciidamada Ingiriisku Siilaanyo u tababaray ee RRU.
Gurigii saaka la gubay ee taliyaha booliiska ayaan isagana wax khasaare ah ayna ka dhicin. Wasiiro ka mida kuwa ka soo jeeda Awdal ayaa iyagana Siilaanyo ka soo diray Hargeysa oo uu ka mid yahay wasiir ay isku jufo yihiin wiilka la diley oo lagu magacaabo Cumar Yare.
Dadka wasiir Cumar Yare la hadlay ee beeshiisa ah ayaa u sheegay in aan isaga waxba ka khuseyn arintan oo ay tahay arin u taala qoyska laga dilay iyo askarigii rasaasta furey oo wararku sheegayaan in la raaciyay ciyaartowgii reer Hargeysa oo saaka raxan gawaadhida askarta ah ay ka talaabiyeen Dilla.
Ilaa hadda ma cadda in askarigaas sharciga la marsiin doono iyo in sidii kii hore lagu dhamayn doono sheekada shaaha laga cabay ee ah ”WAAN BAARAYNAA”.
Waxase ka jirta magaalada caro xoogan maadaama usbuuc gudahood la xasuuqey dhalinyar waalidkood ku soo tabceen hadana ayna jirin cid sharciga la horkeenay taas oo ka dhigan in dhiiga reer Awdal yahay wax aan wax ka soo qaadan lahayn iyo dhiigyo hore oo ay ku jiraan gowrac oo loo ilduufay.
Ramaax ayaa ku guuleystay in bulshada reer Awdal iska horkeeno jufana jufada kale ku diro si magaaladu khalkhal uga bixi waydo maadaama uu hore u yiri waa gobol argagixiso joogto waase lagu fahmay.
Dhinaca kale jaaliyadaha Awdal iyo Khaatumo ee London ayaa la filayaa in ay banaanbax ka hordhigaan guriga Siilaanyo kaga raaxaysanayo London waxana lagu jiraa diyaarinta banaanbaxaas.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM