Muqdisho–Wararkii uGu dambeeyay ee ka soo baxaya huteelka ayaa sheegaya in masuuliyiin badani degan yihiin huteelka oo argagixisadu gudaha u gashay xilli lagu shaahaynayay goobta. Argagixisada ayaa fuushay dabaqa sare iyadoo ujeedadu tahay in ay xasuuqaan wax alle wixii ka soo horbaxa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in safiirka Somaliya u fadhiyay Swizerland Jaamac Bari Bari uu ku jiro rag la dhaawacay hadana la xaqiijay in uu u dhintey dhaawaciisii.
Khasaaraha dhabta ah ayaan la ogeyn waxase la ogyahay in argagixisadii la diley dhamaan kadib markey ciidanka gaashaan galeen goobta.
La soco khasaaraha iyo sida wax u dhaceen
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS