Gaarisa–Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya jaamacada Gaarisa ee dalka Kiiniya aya sheegaya in argagixisada ka dhanka ah bani aadamka ayaa jaamacada Gaarisa ku xasuuqeen ilaa 120 qof ilaa haddana ay ku jiraan Jaamacada looguna talogalay in halkaa lagu dilo ama gaajo u dhintaan.
Dhiigmiiratada ayaa subaxii hore ee saaka ardayda ugu dhacay jaamacada iyagoo hore u dilay laba ilaaliye ka ahaa kadibna rasaas ooda kaga qaaday cidkasta oo ka soo horbaxda.
Afhayeen u hadley booliiska ayaa sheegay in jaamacada ay dhigtaan 813 halka ilaa hadda ayna ogeyn meesha ay jiraan 513. Madaxweynaha Kiiniya ayaa amrey in deg deg loo tababaro ciidan booliis ah maadaama ay jirto ciidan yaraan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS