Garoowe–Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya caasimada Puntland ayaa sheegaya in halkaas ay argagixisada shabaab ku xasuuqeen dad gaaraya 7 qof oo isugu jira Somali iyo ajaanib kadib markii ay qarxiyeen gaadhi bas ah oo ay saarnaayeen. Lama garanayo in qof isqarxiyay iyo in miinada loogu xidhay gaadhiga.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo booqdey goobta xasuuqa ayaa cambaareeyay halka wakiilka QM ku tilmaamay fal wuxushnimo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS