X

Wararkii ugu dambeeyay ku shubashada xisbiga Kulmiye oo hadda noqotey mid ku baahdey Awdal

Wararkii ugu dambeeyay ku shubashada xisbiga Kulmiye oo hadda noqotey mid ku baahdey Awdal. Afhayeenka gudiga doorashooyinka mudane Siciid Cali Muuse ayaa hakad galiyay dib u tirintii cododka degmada Gabiilay.



Warkan ayaa imasnaya kadib markii la helay dhowr sanduuq oo laga soo buuxiyay codad been abuura oo ka yimid Gabiilay arintaasi oo argagax ku riday gudiga doorashooyinka iyo goob joogayaashii meesha ku sugnaa.



Waxa laga hor istaagey Siciid Cali Muuse taas oo keentay in xisbiyadii kale sida Wadani ay sida fiinta uga qayliyaan kadibna ay keentay in xisbiga Wadanina joojiyo tirinintii codadka Hargeysa oo iyana la waday.Taas oo ka dhigan in gebi ahaanba shaqadu istaagto.



Tirada hadda ku jirta sanduuqyadaas ayaa aad u xad dhaafa taas oo hadda ka dhigeysa in ku shubashadu aan la tirin Karin. Waxa dib loo bilaabayaa berito magaalooyinka Gebiley iyo Hargeysa.

Dadka badankiisa ayaa qaba in dhamaan dib loo tiriyo sanduuqyada gobolada maadaama arintu tahay xad dhaaf.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.