X

Wararkii ugu dambeeyay qarax kooxda gaalaynta Muslimiintu ka gaysatey Muqdisho: SAWIRO

Wararkii ugu dambeeyay qarax kooxda gaalaynta Muslimiintu ka gaysatey Muqdisho. Ilaa sadex qarax oo kooxdu u adeegsatey gawaadhi sidii caadiga ahaa ayaa ku qarxay goobo dadku ku badan yihiin si u xasuuqaan mushtamac badan.


Qaraxa koowaad ayay la eegteen Hotel Saxafi oo hore kooxda argagixisadu u weeraray. Qarax kale ayaa isna ka dhacay inta u dhaxaysa Hotel Saxafi iyo xarunta CID oo hoteelka ka soo hor jeedda.

Qaraxyadda ka dib argagixiso afara oo ordaya ayaa waxa si raganimo nafta uga Jaray ciidanka tababaran ee nabadgelyada umana suuragelin inay galaan gudaha huteelka.


Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa jira. Waxa la xaqiijay dhimashada ilaa 20 ruux oo ah dad masaakiina oo wadada maraayay ama danahooda watey.

Warka ugu naxdinta badan ayaa Cabdifitaax Cabdirashiid Shire Il-qeyte oo Aabihii 3 Sano ka hor Bishaan oo kale kooxda gaalayntu ku dileen Hoteel Saxafi ayaa ka mid ah dadkii Maanta ku dhintay.

Dadka ugu badan ayaa la xaqiijay inay ku dhinteen Gaari caasiya oo wadada maraayay oo 10 qof ku shahiideen Warka rasmiga ee xasuuqaan oo uu ku Jiro dhaawaca ayaa laga sugayaa in dawlada soo saarto.

Ku simaha madaxweynaha Somaliya ahna gudoomiyaha barlamaanka ayaa si xun u cambaareeyay xasuuqan.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.