Xildhibaan C/llaahi Jaamac Kabaweyne iyo Xildhibaan Maxamud Maxamed Guure ayaa labaduba waxay ka mid noqdeen Dadka Caawa lagu dilay Weerarka dhiigmiiratada ay banaystey dhiiga muslimiinta. Weerarkan fuleynimo ee dadka shacabka lagu gumaaday ayaa lagu sheegay kii ugu xumaa oo shacab badan ay gumaadeen.
Labada xildhibaan ee weerarkan ku dhintay ayaa ahaa laba xildhibaan oo miisaam culus leh, isla markaa si weyn uga dhex muuqday Baarlamaanka Soomaliya, waxayna arrintan murugo weyn ku tahay dadka Soomaaliyeed iyo eheladii ay ka baxeen.
Labadan xildhibaan ayaa ka mid ahaa ragga aqoonta leh ee fahmay fashilka ku yimi Xasan sheikh taas oo dad badan ka dhigeysa in tuhuno soo galaan. Weerarkan ayaa muddo la qorsheynayay mana jirto cid ka hortagtey qaraxyada noocana ee soo noqnoqaya.
Kuwa weerarka gaystey ayaa laga yaabaa in ay u noolaayeen isla huteelka maadaama uu jiro musuq baahsan oo dadka lagu iibsadio shilimaad aan badneyd amase loo hanjabo inkastoo markey fulinayaan arintan ay bixiyaan lacago aan badneyn.
Xildhibaan Maxamuud Guure
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS