X

Warbaahinta reer galbeedka oo ka cararay Ruushka kadib markii

Warbaahinta beenta lagu yaqaan ee reer galbeedka ugu weyn ayaa ka cararay Ruushka kadib markii madaxweynaha dalkaasi uu taagay sharci xidhaya 15 sanno haddii lagu helo war beena oo ay qoreen. Warbaahinadan oo beenta lagu yaqaanay ayaa markiiba hore ka cararay.


Idaacadaha BBC, CNN iyo kuwa kale ayaa ooda jabiyay ayagoo ka baqaya in jeelka lagu tuuro warka beenta ah ee 24 saac gudbiyaan ayuu yiri Xirsi Wrfaa. Sharcigan wuxuu dhigayaa in xabsi loo taxaabi doono cidii lagu helo war beena, waxaanan ka baqaynaa in ay nagu dhacdo ayuu yiri afhayeen u hadlay CNN.


Idaacada Ingiriiska ee dawladu maalgeliso ee BBC ayaa iyadna sheegtay in sharcigu wax u dhimayo warbaahinta xorta, waxayse ilowday inay albaabada u laabtey dhamaan warbaahinta xorta ee Ruushka.


Reer galbeedka oo ay horkacayaan Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa weerar toosa ku qaaday warbaahinta xorta ee Ruushka ee ay ka mid yihiin the RIA Novosti news agency, Sputnik, Russia Today, Lenta.ru, and the Gazeta.ru news kadibna hawada ka saaray ayagoo ka  mamnuuceen aaladaha ay iyagu leeyihiin sida Google,Yuutuub, Faysbuug, iyo kuwa kale.



”Reer galbeedka waa la yaqaan waa munaafiqiin sheegta waxay ugu yeeraan dimoqraadi oo kolba sidey jecelyihiin u adeegsada warbaahinta xorta iyo siyaasadaba ayuu yiri Cali Calasow.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.