X

Warbixin aad ka naxayso oo shaaca ka qaaday muslimiin iyo dad aan muslim ahayn oo argagixisada shabaab xasuuqdey 2012 ilaa 2015

Warbixin dheer oo ay qorey wargeyska aad ka loo aqristo ee ka soo baxa dalkaasi Kiiniya ee Daily nation ayaa lagu sheegay tirada ay argagixisada shabaab ku xasuuqdey dalkaasi Kiiniya oo isugu jira muslimiin iyo dad aan muslim ahayn.

Wargeyska wuxuu sheegay in argagixisada shabaab ay dileen shan boqol ruux oo Kiiniyaati ah 150 weerar oo kala duwan tan 2012-kii.

Magaalooyinka Nayroobi, Madhera iyo Gaarisa ayaa dadkaani lagu laayay haba ugu sii badnaato Magaalada Mandheera oo weerarada ugu badan ay ka dhaceen.

Wargeyska wuxuu daabacay intii u dhexeysay Janaayo 2012 iyo December 2014 in weeraro argagixisadu soo qaadeen lagu dilay 312 ruux kuwaasoo 113 ka mid ah lagu dilay Nayroobi gaar ahaan weerarkii Westgate. Sidoo kale 68 waxaa lagu dilay weerar kale oo ka dhacay Mandhera, halka Laamu sidaas oo kale lagu dilay 67 ruux.

The Daily Nation wuxuu soo bandhigay magacyada ilaa 9 ruux oo alshabaab kudileen Magaalada Mandhera waxaana ay kala yihiin magacyadaasi sidan:
1-Mohammed Gabow Takoi
2-Mohammed Mohamud Ibrahim
3-Abdulahi Noor Maalim Aden
4-Abdi Ali Amed
5-Yusuf Abdirahim Ahmed
6-Muhamud Bare
7-Abdi Kuresh Maalim
8-Aden Abdulahi Aden
9-Abdi Ibrahim Yakub
Sidoo kale Magaalada Gaarisa oo dhawaan argagixisadu weerareen Jaamacada Magaaladaasi ku magacaaban ayaa noqotay halka dadkii ugu badnaa ay ku dhinteen waxaana inta la diiwaan geliyay ku dhimatay 148-qof .
Ugu danbeyn shalay oo u danbeysay Mandhera waxaa lagu dilay 14 ruux oo aha shaqaale kenyaati ah oo ka howlgalayay kaawada dhagaxa laga qodo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.