War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qunsuliyadii Talyaanigu ku lahaa magaalada Qaahira la qarxiyay iyo dhismaha oo ay ka muuqato burbur xoogweyn. Argagixisada caalamiga ah ee ku dhex nool muslimiinta ayay fartu ku godan tahay inkastoo warkani cusub yahay.
Waxa jira muuqaalo soo baxaya oo tilmaamay burburka soo gaaray qunsuliyada walise ma jiro warar faahfaahsan. Waxana jira dad badan oo ku urursan goobta qaraxu ka dhacay.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM